Eng Aweys Ali

Eng Aweys Ali Best interior design

17/08/2026

Mararka qaar, guusha ugu weyn waxay ka timaada aqal yar. Hooyo Safiya, sida ay sheegtay, shaqo joogto ah ma haysato, nolosha ubadkeeda waxay ku maaraysaa shaqooyin marmar ah, caawinaad ay ka hesho ehel iyo asxaab, adkaysi iyo iimaanka Alle.

Halgankaas adag ayay ka soo dhalisay guusha wiilkeeda Maxamad uu kaalinta koowaad kaga galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare.

Khabarka guushu uma ahayn kaalin koowaad oo keliya ee wuxuu ahaa rajo ay sannado badan sugaysay, rajo ah in aqoonta iyo dadaalka wiilkeedu u furi doonaan albaab cusub oo nolol oo iyada iyo qoyskeedaba kaga baxaan silica nolosha saboolnimada.

Kamaradaha uma aysan baran, mana aysan aqoonsan qofka uu yahay Xamse Cabdi Barre, sababtoo ah kuma noolo dunida awoodda, magacyada waaweyn, iyo nolosha sare. Waxay ku nooshahay duni shaqo raadin, quudka carruurta iyo la tacaalidda baahida maalinlaha ah.

Sidaasoo ay tahay ayey Safiyo kaga nasiib badan tahay kumannaan qoys oo ay duruufaha saboolnimada ka siman yihiin, kuwaas oo dhulkoodii laga barakiciyey, guryahoodii la dumiyey, ubadkoodiina waxbarashadii la seejiyey, noloshoodiina la burburiyey.

Waxaa i soo gaaray in xaafadda Tokyo ee ay Safiya ku nooshahay Noolo-oostadeedii la bixiyey, oo keliya ay harsan tahay fulintii barakicinta. Waxaa dhici karta in halkaas lagu burburiyo riyadii Safiya iyo dadaalkii wiilkeeda Axmed.

Waxaase hadii ay taas ka badbaadan weli sugaya in Maxamad oo saboolnimo, dadaal iyo naf-hurnimo hooyo kaga soo dhalaalay kaalinta koowaad uu berri wajaho dawlad ay hoggaankeedu eexda ka horreysiiyaan kartida, qaraabo-kiilka mudnaanta ka siiyaan aqoonta, musuqmaasuquna kaga fududyahay dadaalka iyo tacabka.

Hooyo Safiya waajibkeedii way gudatay.
Axmedna kaalintiisii waa ka soo dhalaalay, waxaase weli la helin dawladii tixgelin lahayd aqoonta, abaalmarin lahayd daddaalka, mudnaantana siin lahayd kartida

Xaq maaha in halgankii Hooyo Safiyo iyo daddaalkii Maxamad la dumiyo, mustaqbalkana kala kulmaan cashar ka xanuun badan kii ay nolosha saboolnimada ku soo arkeen.

Waxba tarimayso in Hooyo Safiyo la telafooniyo, ama la isku sawiro, iyadoo dhanka kale la duminayo hoygii ay ku noolayd, iyo riyadii ay la noolayd

Waxba k**a duwana ubax la ammaanayo iyadoo xididdadiisa laga rujinayo. Safiya waxay wiilkeeda siisay riyo, Dawlada ayey ku leedahay mustaqbal.

Address

Somalia ๏ฟฝ
Mogadishu

Opening Hours

09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng Aweys Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share